Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayan in halkaasi uu ka dhacay weerar sababay dhimashada askar ka tirsan Ciidamada Maamulka degmadaasi Balcad.

Weerarka ayaa yimid, kadib markii Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab ay rasaas ku fureen askar ku sugneyd Bar-koontorool oo laga ilaaliyo degmada Balcad oo ku taalla wadada ka timaada dhanka degmada afgooye, waxaana weerarkaas ku geeriyooday laba askari.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay u sheegeen in sidoo kale Al-Shabaab ay horay u sii qaateen laba qoray AK47 ah & Booshashkooda oo ay wateen askarta la dilay, iyaga oo goobta isaga baxsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamalka degmada Balcad ayaa tegay halka uu weerarka ka dhacay, iyaga oo meydka kasoo qaaday Barta-koontorool oo laga ilaaliyo degmada, isla markaana lagu hubiyo gaadiidka soo gala.

Goobta Ciidamada lagu weeraray ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay weeraro askar lagu dilay,waxaana Weerarka Maanta ka dhacay weli ka hadlin Mas’uuliyiinta iyo laamaha Amniga degmada Balcad.