Dowladda oo qaaday qaar ka mid ah dhagaxaantii wadooyinka yaallay

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa xalay  qaaday dhagaxaanta ay horey dowladdu ay u dhigtay bartamaha Wadooyinka Muqdisho oo muddo sanado ah ay ay inoo xaqiijiyeen xaqiijiyeen goobjoogayaal Isgosyada iyo baaraha konroolada  ee  dhagaxaanta laga qaaday waxaa ka  mid ah  sanca siinay, Seybiyano ,Tarbuunka , Sh Cali suufi iyo mello kale .

Gawaarida dhagaxanta qaadda ayaa lagu arkaayay xalay iyaga oo ka daabulaya wadooyinka muhiimka ee Muqdisho oo intii Madaxweyne Farmaajo xilka hayay ay dhagaxaan buux dhaafiyeen.

Shacabka iyo gaadiidka ayaa ku qabay dhibaatooyin xoogan,iyadoona mar kala duwan dowladda ka codasaday in ay jidadka u furto, laakiin ay iska diiday.

Dowladda kama hadlin wali wadooyinka la furay xalay laakin warar qaar ayaa sheegay in la xiray wadooyin kale oo la sheegay in xaaladdu amni loo xiray .

Sidda ay xog ku heshay dhagaxaanta ayaa la geyn doona Kontooralada laga soo galo Muqdisho halkaas oo laga suggi doono Amniga caasimada.

Waxaa sidoo kale la xiray oo dhagaxaan la geeyay wadada Warshaddaha, waxaana markii ugu horreysay la xiray Jidcadayaasha wadada Warshaddaha.