Murashaxiin badan oo tabartooda reebi doonta doorashooyinka baarlamaanka

Kadib heshiiskii ay wada gaareen madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda dowladda federaalka waxaa soo shaac baxday qeyla dhaan ku aadan heshiiska laga gaaray doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka oo lagu xiray lacag dhan 10 oo aqalka hoose iyo 20 kun oo aqalka sare oo laga doonaya murashaxa u tartamaya.

Siyaasiyiin iyo madax hore ayaa ka falceliyay heshiiskaasi oo u arka in muwaadinka Soomaaliyeed looga hor joogsanaayo inuu ka qeyb galo siyaasadda iyo masiirka dalka.

Madaxweynihii höre ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah madaxda ka falceliyay shuruudahaasi loo dhigay murashaxiinta doonaya inay u tartamaan labada aqal ee baarlamanka.

Wuxuu sheegay Xasan Sheekh in tallaabadaasi lagu horjoogsanaayo in muwaadinkii aan dhaqaale dhan 10 ilaa 20 kun aanu ka qeybgeli karin tartanka doorashooyinka baarlamaanka labada aqal.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in shuruudaasi ay horseedeyso in dad badan oo ku dhiiran lahaa siyaasadda iyo badbaadada dalka ay ka reebeyso inay tartamaan.

Wuxuu ka codsaday dowladda inay qeexdo macnaha ay u kordhisay lacagta shuruuda ay ku xertay tartamayaasha baarlamaanka aqalka hoose iyo midka sare.

Qiimaha lacageed ee laga doonayo murashaxiinta u tartamaya baarlamaanka ayaa doorashadaan sare loo qaaday iyadoo doorashadii hore ay aheyd mid mid murcshaxiinta ragga bixinayeen 10 kun halka haweenkana bixiyeen shan kun.