Laamaha Ammaanka oo gacanta ku dhigay Askari dil geystay

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada booliska Magaalada Gaalkacyo qeybta puntland ayaa waxaa la sheegay inay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan Askari dhawaan halkaasi dil ka geystay oo baxsad ahaa.

Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Mudug ee Puntland, Muumin Cabdi Shire ayaa Warbahainta u sheegay in Askariga ay Ciidamada kasoo qabteen degaanka Shakaal oo dhanka Waqooyi bari ka xiga degmada Jariiban ee gobolka Mudug.

Waxaa uu sheegay in Askariga oo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland uu 11-kii Bishaan September Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, ku dilay Nin lagu Magacaabi jiray Cabdullaahi Daahir Aadan, kaas oo kamid ahaa ganacsatada Gobolka Mudug.

Howlgalka lagu soo qabtay Askariga dilka geystay ayaa waxaa la sheegay inay ku dhaawacmeen laba qof oo Shacab ah, kadib markii ay israsaaseyn dhex-martay Askariga iyo Ciidamada doonayay inay qabtaan.