Muxuu yahay xeerka dambiyada jinsiga ee ka Careysiiyay Guddoonka Golaha Shacabka?

Waxaa sanadyadii lasoo dhaafay dalka ka taagnaa muran ka dhashay sharciga qaranka ee dambiyada jinsiga ee ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka  dowladda Soomaaliya oo kaashaneysaa qaar ka mid ah Hay’addaha taageera Wasaaradda.

Bishii Disembar ee sanadkii 2014 ayaa Muqdisho waxaa booqasho ku yimid  koox xeeldheereyaal ah oo kasocday QM aqoona u leh awooda sharciga iyo tacadiga jinsiga ee  la sharciyeeyay go’aankiisa ee QM 1880, kooxdaas ayaa sidoo kale qiimeyn ku sameysay Soomaaliya  si loo siiyo taageero ku saabsan diyaarinta xeerkaan muranka dhaliyay.

Kuxigeenka uqeybsamihii gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya, Fatiha Serour, ayaa sheeegtay in dowladdii  xilligaasi ee Xasan Sheekh Maxamuud ay la garab taagan yihiin taageero buuxda oo ku saabsan in la helo dukuminti Sharci ah oo ku saabsan dambiyada tacadiyadda Jinsiga.

Kuxigeenka Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Fatiha Serour ayaa soo gaadhay magaalada Muqdisho, waxayna la kulantay Madaxweynaha Soomaaliya

“Waxaan kalashaqeyneyna dowladda hubinta qorshe howleedkan oo ah dukumiindi nool, wuxuu maridoonaa la tashiyo dheeraad ah, oo ay kujiraan kuwa lala tashandoono goboladda. Anagoo bulshada caalamka ah waxaan diyaarin doonaa taageero farsamo lanashaqeyneyno saaxiibadannada waxaa meel la saaridoonaa taageero dhaqaale oo lagu hirgaliyo” ayey tiri MarwoSerour.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye

Wuxuu qorshuhu ahaa in lagu dhameystiro Muddo Saddex sano ah  oo ka bilaabanaysay 2014 -2016-kii, Waxaana xilligaasi Wasaaradda hoggaaminaysay Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

Goormee ayuu soo shaac baxay?

Waxa ay ahayd bishii May 2016 markii Golaha wasiirada dawladda federaalku anisixiyeen siyaasadda jinsiga oo ay soo gudbisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka heer Federal, waxaa xilligaasi hoggaaminaysay Wasaaradda Sahro Maxamed Cali Samatar.

Sahro Maxamed Samar wasiirkii haweenka ee Sharcigaan horkeenay Golaha Wasiirada

Culimada maxay ka tiri?

Haseyeeshee , taariikhdu markii ay ahayd 28th Bisha June 2016 , ayaa waxaa arrimo ku xusan siyaasadda cusub bayaan kasoo saaray Hay’adda Culimada Soomaaliyeedoo shir jaraa’id oo ay ka akhriyeen bayaanka ku caddeeyay in arrimo badan oo ku xusan siyaasaddu ay kasoo horjeedo Diinta Islaamka.

Wasiirkii Haweenka Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa xilligaasi difaacday Sharciga, waxaana ay sheegtay in qodobada ay waafaqsan yihiin diinta  laakiin waxay xustay in culimadda ay kasoo horjeeddaan Axdi caalami ah oo aan Soomaaliya u gaar aheyd oo ay ka mid yihiin  ciribtirka haybsooca ka dhanka ah haweenka(CEDAW),heshiiska xuquuqul insaanka afrika(ACHPR),heshiiska xuquuqda dadka iyo haweenka 2003(the Maputo Pratocol),heshiiskii Solemn ee sinaanta labka iyo dhedigga ee afrika(SDGEA),heshiiskii ka hortaga cadaadiska iyo faraxumaynta ka dhanka ah haweenka iyo caruurta,mabaa’didii talaabooyinkii Beijing iyo qaraaradii qaramada midoobey oo tirsigoodu ahaa 1325 iyo 1820) .

Maxay ahaayeen qodobada Muranka dhaliyay  xilligaasi?

Arrimaha ugu waaweyn ee ay doodda ka taaganeyd  waxaa ka mid ahaa  da’da qaan gaarka oo culumadu ay aaminsanyihiin inuu sharcigaasi ku micneeyay si ka duwan sida ay qabto shareecada Islaamka.

Sidoo kale xilliga ku haboon guurka gabdhaha ee uu xeerku qeexay ayuu ka taaganyahay muran kaas la mid ah.

Da’da qaan gaarka ee shareecada islaamka caddeysay ayaa ah 15 sano, halka sharciga jinsiguna uu dhigayo iney tahay 18 sano.

Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa muujiyay sida ay uga soo horjeedaan qodobbo ku jira hindise sharciyeedkaas oo ay ku qeexeen mid meel uga dhacaya Kitaabka Quraanka iyo Sunnada Nabi Muxammad CSW.

Intaasi ka dib Sharciga waa uu ka hakaday, waxaana dhacay baarlamaankii uu ahaa qorshuhu in la horgeeyo.

Xagee kala qabsatay Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre?

Sharciga tacaddiyada jinsiga waxay xukuumadda mudane Xasan Cali Khayre si buuxda u ansixisay bishii May, 2018.

Deeqo Yaasiin Wasiirkii haweenka ee Xukuumadda Kheyre horgeeyay Sharciga Deeqo Yaasiin Siiyaha Wasiirka Haweenka Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegtay xilligaasi in sharcigaasi lagu wareejiyay Golaha Shacabka si ay u ansixiyaan.

Golaha Shacabka goormee la horkeenay?

10 Agoosto 2020 Xildhibaannada golaha shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa is hortaagay in la ansixiyo ajandaha kulankoodii ku saabsanaa Akhrinta Koobaad ee sharciga dambiyada galmada la xiriira.

Xildhibaannada ayaa ku doodayay in magaca hindise sharciyeedka uu yahay mid aanan habooneyn oo lid ku ah dhaqanka Soomaalida iyo diinta Islaamka.

Xeerkan wuxuu magaca guud ee jaldigiisa kore yahay “Sharciga Dembiyada Galmada la xidhiidha.” Magacii hore ee sharciga wuxuu ahaa “sharciga Jinsiga”.

Maxaa ka Careysiiyay Guddoonka Golaha Shacabka?

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay shalay in mar kale lagu soo celiyay  oo lagu qasbaayo Sharci kasoo horjeedda diinta Islaamka iyo dhaqanka Suuban ee Soomaaliyeed.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya C/weli Ibraahim Muudey ayaa si kulul oo adag uga hadlay Sharciga Dembyada Galmada la xiriira oo qaar ka mida xildhibaannada ay dalbadeen in Baarlamaanka lagu soo celiyo, isagoo ku timaamay Gaalnimo iyo Diin ka bax aysan ogolaaneynin in Baarlamaanka looga doodo.

“Wasaq waaye, qurun waaye, sharci maaha.. wax uusan islaamka qabin, Datuurka qabin lama keeni karo, Ma shaci gaalo ayaan ku dhaqmeynaa .. maxay tahay waxa aad nagu wadaan..? ood nala daba taagan tihiin”ayuu si kulul u yiri C/weli Muudeey.

Yaa sharcigaan gadaal ka taagan?

Sidda ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah Sharciggaan waxaa dhaqaallaha ugu badan ku bixiyay Hay’addo fadhigeedu yahay  Xalane oo uu ka mid yahay Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobey ee lagu Magacaabo UNSOM, sidoo kale Hay’addo kale oo ay ka mid yihiin kuwo ka shaqeeya Arrimaha haweenka.

Xalane

Waxaa sidoo kale Wasaaradda haweenka laga taageeray dhaqaallaha khuburadii diyaariyay sharcigaan.

Deeqbixiyeyaashii dhaqaallaha ku bixiyay ayaa aad u daynaya in uu fuliso oo sharci noqdo xeerkaan.

Dhacdooyinka kufsiga iyo xeerkaan ma xiriirbaa ka dhaxeeya?

Qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay falalka kufsiga ah oo maalmihi lasoo dhaafay kusoo batay qaar ka  mid ah gobolada dalka , waxaana ay sheegeen in dowladda Soomaaliya laga doonaayo baaritaano.

Sheekh Cabdulxayi Sheekh Aadan oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in falalkaasi naxdinta leh ay ka dambeeyaan gacmo ka baxsan Soomaaliya, islamarkaana Hay’addaha baarista laga codsanaayo in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo.

Waxaa uu sheegay in dhaqanka Suuban ee Soomaaliyeed iyo diinta islaamka ay kasoo horjeedaan falalkaan, islamarkaana ay dhacdooyinka la kufsanaayo carruurta yar yar ay yihiin kuwo ku cusub Soomaaliya.