Jubbaland oo Saraakiil cadaan ah kala hadashay dagaalka Al-Shabaaab

Madaxwayne ku-xigeenka 1aad ee  Maamulka Jubbaland  ahna kusimaha Madaxweynaha Maxamuud Sayid Aadan, ayaa kulan la qaatay Saraakiil ka socotay howlgalka Mareykanka ee Africa (AFRICOMM)  iyo Saraakiil katirsan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee (AMISOM)  gaar ahaan qeybta 6-aad.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa amaanka degaannada Jubbaland iyo sidii si wadajir ah la isaga kaashan lahaa xoojinta dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab ee ka socda degaannada Maamulkaas.

Madaxwayne ku-xigeenka 1aad ee  Maamulka Jubbaland  Maxamuud Sayid Aadan ayaa Saraakiisha AMISOM & kuwa Mareykanka waxaa uu la wadaagay howlgalladii ugu dambeeyay oo ay fuliyeen Ciidamada Jubbaland, isaga oo ka dalbaday inay gacan ka geystaan taageerida Ciidamada Jubbaland.

Degaannada Maamulka Jubbaland ayaa waxaa howlgallo kala duwan ka sameeya Ciidamada dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa AMISOM iyo kuwa Mareykan ah, iyaga oo beegsada Saldhigyada Ururka Al-Shabaab.