XOG: Sidee MW Farmaajo uga booday arrintaan muhiimka u ahayd Miisaanka Metalaadda Beelaha Soomaaliyeed

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shalay ka furay magaalada Muqdisho shirka arrimaha doorashooyinka dalka oo ay ka qeyb galayaan madaxda dalka ee isugu jira Heer Federaal iyo heer maamul goboleed,iyadoo matalaada Beelaha Soomaalida ku dhammeyn shirka.

shirarka xilliyadii kala guurka ah ee lagu gelayay heshiisyada siyaasadeed ayaa waxaa ka qeyb gali jiray oo metalaad ku yeelan jiray mas’uuliyiinta ugu sareysa Beelaha Soomaaliyeed iyo maamul goboleedyada, arrintaas oo soo socotay xilligii Xasan Sheikh Maxamuud laguna gaaray go’aanadii doorashada dadban ee dalka ka dhacday sanadkii 2016-kii.

Shirkii shalay ka furmay magaalada Muqdisho waxaa ka muuqan madasha oo ka maqnaa Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo haatan ah ku-simaha Ra’iisal wasaaraha, maadama la riday Ra’iisal wasaarihii dalka Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisal wasare ku-xigeenka ayaa ka soo jeeda gobolada Waqooyi ee la baxaya Somaliland, arrintani waxaa loo arkaa mid hoos u dhigeysa isku heyntii soomaalida, iyo gaar ahaan dadka waqooyi oo ka mid ah Dowladda Federaalka.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa wali magacaabin Ra’iisal wasaare mudo ku siman 50-maalmood, taas oo sii fogeyneysa in go’aan laga gaaro arrimaha doorashada dalka.

Shirka ka socda magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galayaan dhammaan madaxda maamul goboleedyada ayaa laga reebay saamileyda kale ee siyaasadda sida Xisbiyada iyo siyaasiyiinta kale ee saameynta ku leh masiirka ummadda Soomaaliyeed.