Aqoonyahan 24 sano dalka ka maqnaa oo Soomaaliya dib ugu laabanaya

Dr. C/qaadir Macow oo ka mid ah aqoonyahanada beeraha, isla markaana ka soo baxay kulliyada beeraha ee Soomaaliya, ayaa wareysi dhinacyo badan waxa uu siiyay Raadiyaha iyo telefishanka Somaliweyn.

Aqoonyahankan oo degan magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka oo uu degan yahay muddo 24-sano ah, wuxuuna sheegay inuu dalkiisa hooyo ee Soomaaliya dib ugu laabanayo.

Aynu wada dhageysano wareysiga ay la yeelatay weriye Ikram Cali kaar oo aqoonyahanka hor dhigtay iyo qorshihiisa ku aadan horumarinta degaanka ee Soomaaliya.