Cabdullahi Sheekh Xasan: “Nabad iyo qori waa kala fog yihiin”

Cabdullaahi Sheekh Xasan guddoomiyaha midowga nabadda kana tirsan isbaheysiga xisbiyada siyaasadda ayaa ka hadlay guddi loo magacaabay shirka beelaha Muddulood ee dhowaan Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Guddoomiye Cabdullaahi ayaa sheegay inaanu ahayn mid la isku halleyn bacdamaa guddoomiye looga dhigay madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.

Waxa uu soo jeediyay in guddiga ay noqdaan kuwo ka shaqeeya nabadda isla markaana ka madax bannaan siyaasad.