Xildhibaan Sacdiyo“Dowlad aan Bakaaro ka talin sidee doorasho qof iyo cod ku qabanaysaa”

Xildhibaan Sacdiyo Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku eedeeysay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uusan la socon xaaladda ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Waxa ay sheegtay in amni darada ka jirta dalka ay siyaaday Saddex sano ee lasoo dhaafay, islamarkaana aysan socon karin go’aanka Madaxweynaha uu ku doonaayo in doorasho qof iyo cod ah Soomaaliya ay uga dhacdo.

Waxay tusaale u soo qaadatay Magaalada Muqdisho oo dowladda taliso in shaqaallaha dowladda iyo Mas’uuliyiinta aysan tagi karin qeybo ka mid ah cabsi ay ka qabaan Dhanka Ammaanka.

“ Bakaaraha ayaan tagay anoo wejiga duubtay ehelki way aragagaxeen maxaa halkaan ku keenay? Dowlad aan Bakaaro ka talin sidee doorasho qof iyo cod ku qabanaysaa?” ayay tiri Xildhibaan Sacdiyo.

Ugu dambeyntii waxa ay sheegtay in loo baahan yahay in go’aan mideysan oo ku aadan nooca doorashada in lagu gaari doono Shirka Dhuusamareeb 3 ee maalmaha soo socda ka furmi doona Dhuusamareeb.