Faah faahino ka soo baxayo Qarax ka dhacay Muqdisho

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa lagu weeraray xero ay degan yihiin Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutadda 12 ka AprilĀ  oo ku taalla dhabarka dambe Xarunta Xisbiga iyo Stadium Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa Mid Ismiidaamin ayaa la sheegay in lagu dhuftay Idda xerada oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa jira Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Qaraxa ka dhashay, waxaana Qaraxa uu ahaa Mid xooggan.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa gaaray goobta, waxaana halkaasi ay ka waddaan howlaha badbaadinta.

Ciidamo ka tirsanaa booliska oo ku sugnaa meel u dhow goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa sidoo kale xiray inta badan Wadooyinka soo gala xarunta xisbiga.