Weriye Iidle oo war culus ka soo saaray gef loo geystay beesha Sheekhaal

Waxaa cirka isku shareeraya xiisadda ka dhalatay gef iyo ihaano loo geystay beesha Sheekh loo bege oo ku abtirsata beel weynta Hiraab Hawiye.

Qoraalo maalmahaan la dhigayay baraha bulshada ku xiriirto ee interned-ka ayaa muujinayay in beesha Sheekhaal ay ka saami badan tahay beelaha kale ee Soomaaliyeed laguna taxay xilal fara badan ka hayaan dowladda federaalka.

Dacaayadaha laga faafiyay beesha Sheekhaal iyo jilibyadeeda waxaa kale oo ka mid ah dacaayado soo jireen noqday tan iyo markii xilka madaxweynaha loo doortay Madaxweyne Farmaajo taliyaha hay’adda NISA Fahad Xaaji Yaasiin Daahir.

“Anagu waxaan garab taaganahay Fahad Yaasiin, beesha Sheekhaal oo isku duuban haday joogto Soomaaliya gudaheeda iyo dibadeeda” ayuu yiri weriye Iidle Macallim Cumar oo ku sugan dalka Jarmalka.

Beel weynta Sheekhaal waxgarad ka soo jeeda ayaa ugu baaqay guud shacabka Soomaaliyeed in wax laga qabo kuwa ka dambeeya falalkaasi foosha xun.

Jabriil Max’ud Nuur (Jabra-shaaciye)
Email: jabriil@journalist.com