Shirka beel weynta Mudulood oo laga cabsi qabo in wakhti dheeraad ah lagu daro (Maxaa soo kordhay?)

Shirweynaha beesha Muddullood oo galay maalintii saddexaad ayaa yeeshay weji kale, taasi oo ay suuragal tahay in maalmo dheeraad ah lagu daro sida ay noo xajiijiyeen qabanqaabiyeyaasha shirkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in cuqaal iyo waxgarad ka tirsan beel weynta Mudulood oo ku sugan gobolada ay Soomaalidu degto sida Itoobiya iyo Kenya ay dalbadeen inay shirka ka socda xarunta mu’asasada Macallim Nuur Maxamed Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Lama oga ilaa iyo iminka waxa laga yeelayo dalabkaasi cusub, iyadoo haddii la ogolaadana suuragal tahay in muddo kordhin loo sameeyo madasha oo horay loo qorsheeyay muddo saddex maalin kuna eg maanta.

Dhinaca kale baaqyada ka imaanaya qeybaha bulsha weynta Muddullood ayaa hoosta looga xariiqay muhiimadda ay leedahay dhaqan gelinta go’aanada la filayo inay shirkaasi ka soo baxaan.

Shaaciye Media News

Muqdisho – Soomaaliya