Xildhibaan sheegay in Sharci laga soo qoray Xalane la horkeenay Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdi Cali oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Dadka dhalinyarada Soomaaliyeed ku tilmaama inay yihiin Burcad Badeed ay iyaga yihiin Burcad Badeed.

Waxaa uu sheegay in Maraakiib Shisheeye ay xaaluf farabadan ku hayaan Badda Soomaaliya,isla markaana kalluumeysatada Soomaaliyeed ay Shaqo la’aan baahsan ku heyso meelo badan oo dalka ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Xildhibaanka in  Hindise Sharicyeedka dib-u-eegista Sharciga la dagaalanka Burcad badeeda ee Maanta Baarlamaanka la horjeeday uu yahay Sharci Xalane laga soo qoray,isaga oo ku baaqay in dib loogu laabto.

Xildhibaan Cabdi Cali  ayaa waxa uu hadalkaan ka jeediyay kalfadhigii maanta ay Golaha Shacabka uga doodayeen Sharciga Burcad Badeeda Soomaaliyeed.