DHAGEYSO: Fadliga Soonka Maalinta Carafo & Waajibaadka dadka xajinaya

Xujeyda Sanadkaan 2020 ayaa waxaa lagu soo koobay 10 Kun oo Ruux, kuwaas oo ka imaanaya Gudaha dalka Sacuudiga sababo la xiriira ka hortagga Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus.

Maanta waa Maalinta Sagaalaad ee Bisha Dulxaj,waana Maalinta ay Xujeyda isugu imaanayaan Buurta Carafo, si ay u gutaan mid kamid ah Tiirarka ugu weye Acmaasha Xajka,waxaana dhinaca kale Maanta oo kale Sooma inta badan dadka Muslimiinta ah.

Hadaba Ustaad Cabduweli Yaxye Cali ayaa sharaxaya Fadliga Soonka Maalinta Carafo & Waajibaadka laga doonaya dadka xajinaya.