Akhriso: Magacyada shaqsiyaadka ugu cad cad xilka ra’iisul wasaaraha cusub

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa weli wada kulamadii latashiyada ahaa ee ku aadan magacaabista Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Xilkan oo ay raadiyeen shaqsiyaad badan ayaa hadda waxaa isku soo haray dhowr qof, oo aad loo hadal hayaa, waxaana ka mid ah,waxaana hadda ugu cad cad dadkaas Xildhibaan C/qaadir Cosoble iyo Cabdiraxmaan Yabarow oo ah madaxa laanta Afka Soomaaliya ee VOA-da.

Ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in Liiska haatan uu madaxweyne Farmaajo gacanta ku hayo ay ugu horeeyaan Mr. Yabarow oo ay gadaal ka riixayaan xubno siyaasiyiin oo miizaan culus leh iyo Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo ay isku raaceen in xilkaas loo dhiibo Waxgaradka iyo Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

C/qaadir Cosoble oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn u dhaliilsan hanaanka Waxqabad ee maamulka Farmaajo ayaa loo badinayaa inuu xilkaas ku soo baxo,islamarkaana loo magacaabo xilka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Halka C/raxmaan Yabarow oo ah Madaxa Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da dhankiisa uu rajo wanaagsan leeyahay,maadama madaxweyne Farmaajo uu ka doorbidi karo Cosoble oo sanadihii ugu dambeeyay halis ku ahaa Villa Soomaaliya.

Sidoo kale, Beesha caalamka ayaa ku milan siyaasadda lagu soo magacaabayo Ra’iisal wasaaraha cusub maadaama shaqsiga imaanaya la rabo inuu shaqo badan qabto inta lagu guda jiro xilliga kala guurka ah.

Waxaa aad isa soo taraya wararka sheegaya in waqti dhaw lagu dhawaaqo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaana suurt-agal ah in xili kasta ay xaalada isbadasho maadaama ay socoto kala xulasho iyo isbarbar dhig.