Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka Dhuusamareeb

Waxaa Maalintii labaad alay shirka ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee u dhaxeeya Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka kajira,kaa soo uu marti geliyay Dowlad Goboleedka Galmudug.

Shirka oo shalay furmay ayaa waxaa khudbado ka jeediyay dhamaan Madaxda Shanta Dowlad Goboleed, iyaga oo soo jeeiyay in xal laga garao khilaafka dowladda & Dowlad Goboleedyada,sidoo kale ay doorashada waqtigeea ku dhacdo.

Maanta ayaa la filayaa in shirka la sii amba qaado,isla markaana Madaxda Dowlad Goboleedyada ay ka doodi doonaan nooca doorasho ee la qaban karo maadaama sida muuqata aaney Suuragal aheyn in Doorasho Qof iyo Cod ah ay Xiligan dhacdo.

Shirka Madaxda Dowlad goboleedyada ee ka socda Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay madaxda horay u sheegeen in uu gogol xaar u yahay qabsoomida kulan u dhaxeeya Madaxda dowladda & Dowlad Goboleedyada.

Sidoo kale Gelinka dambe ee Maanta ayaa la filaya ain shirka la soo geba-gabeeyo,isla markaana Madaxda Dowlad Goboleedyada ay soo saaraan warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen.