Madaxda maamulada oo mowqif mideysan ka qaatay doorashadda

Inkastoo madaxda Dowlad goboleedyada dalka Khudbadooda ay ka jeediyeen shirkii shalay uga furmay Dhuusamaareeb aanay ku jirin erayo duray madaxtooyada Soomaaliya ayaa haddana waxay mideeyeen mowqifkooda doorashada dalka.

Hogaamiyeyaasha ayaa ku adkeystay in ay muhiim tahay in coddeynta 2020-21 ay waqtigeeda ku dhacda oo aysan dhicin wax muddo kororsi ah.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo lagu xanto inuu xiriir dhow la leeyahay DF ayaa adkeeyay in doorashada waqtigeeda ku dhacdo,islamarkaana ay ka tashadaan dhammaan saamileyda siyaasadda dalka oo siyaasiyiinta mucaaradka ay ku jiraan.

“Madaxweynayaasha xubnaha ka ah DFS waxay doonayaan hanaan doorasho oo xor iyo xalaal ah, taas macnaheedu maaha in taladdu ay ku kooban tahay dawlad gobaleedyada, Iskaashi dhexmara Dawladdaha xubnaha ka ah DFS, sida dhameystirka Dastuurka, Ladagaalanka Argagixisada, Dibu dhiska dalka, Dibu dhiska ciidamada & Horumarinta dhaqaalaha, si loo xaqiijiyo himilooyinka lama huraanka u ah Tanaasul, talo wadaag iyo turnaansho,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland, Siciid C/llaahi Deni Dhankiisa, Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha dowladda Puntland, ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka iyo madaxda dowladda

federaalka ah in ay ka shaqeeyaan in doorashadda soo aadan laga heshiiyo.

“Shirkan, waa shaqo loo qabanayo Madaxda dawladda Faderaalka Soomaaliya, waxay ka hadlayaan waa howlo ay idiin qabanayaan oo ay shaqadooda idiin qabanayaa, Dalka doorashadiisu ay dhacdo waqtigeeda, dalkuna uu marxalad 2aad ugu gudbo, mida quruxda badan ee qof iyo cod aan gaari doonaa, maanta ma bilna suuragal maaha, wixii an ka badin weyno aan ka tashano oo aan aqbalno, wixii aan kari karno aan iimaansano, waxaan ku rajo-weynahay in sida Beesha Caalamku nala jecel yahay aan gaari doono,” ayuu tibaaxay.

Dowladda Federaalka ayaa shaacisay iney doorashada waqtigeeda ku dhaceyso,xilli siyaasiyiinta u ordeysa madaxtinimada dalka walaac ka muujisay ineysan Dowladda rabi iney qabato doorasho waqtigeeda ku dhacda.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa shirka golaha Wasiirada ka sheegay iney qorsheynyaan ineysan dhicin mudo kororsi,islamarkaana doorashada waqtigii loogu talagalay ay ku dhaceyso.

Shirka ka socda magaalada Dhuusamareeb oo indhaha lagu wada hayo ayaa laga filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed dhammeystiran.