Ciidamo Badan Oo La Dhigay Waddooyinka Dhuusamareeb

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa siweyn u xaqiijinaya amniga Magaalada Dhuusamareeb oo uu shalay ka furmay Shirka Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka.

Waddooyinka waaweyn ee Dhuusamareeb ayaa waxaa la geeyay Ciidamo badan oo Boolis ah, kuwaasi oo baaritaano kala duwan ku sameeynaya gaadiidka, isla markaana baro Koontarool ka sameeystay Magaalada dhexdeeda.

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Galmudug General: Bishaar Abshir Geedi oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in ay gudanayaan waajibka Booliiska ka saaran Amniga, isagoo Bulshada Dhuusamareeb kaga mahad celiyay wadashaqeynta ay u muujiyeen laamaha Amniga.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka, sida Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Puntland iyo Galmudug, iyagoo kulamo gaar ahaan halkaas ku yeelanaya.