Trump oo bartiisa Twitter-ka soo dhigay muuqaal cara dhaliyay aakhirkiina ka saaray

Sidoo kale waxaa aad loo dhaleeceeyay sanadkii 2019-ka, kadib markii xildhibaano katirsan aqalka hoose ee Mareykanka oo kala ah Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib, Ayanna Pressley iyo Ilhaan Cumar uu ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, halkaasina ay wax ka qabtaan hadii wax qabanayaan.

Saddex kamid ah haweenkaas ayaa ku dhashay dalka Mareykanka, waxayna dhammaantood heystaan dhalashada Mareykanka.

Trump ayaa sidoo kale dhawaan mar uu ka hadlayay dilka ninkii madowga ahaa ee George Floyd, waxaa uu bartiisa Twiter-ka kusoo qoray “haddii bililiqada ay sii socoto, waxaa bilaabmaya toogashada”, hadalkaas oo caro ballaaran ka dhaliyay dalka Mareykanka.

Shirkadda Twitter-ka ayaa xaddiday ereygas, maadaama ay ku tilmaamatay mid ku xadgudbay shuruucda u taala.

Dhanka kale ra’yi uruurin uu sameeyay telefishenka CBS ee dalka Mareykanka ayaa muujineysa in inta badan shacabka Mareykanka ay taageersan yihiin dhaqdhaqaaqa ay dadka madowga ah ku dalbanayaan cadaalad, ayna taasi horseedi doonta in dib u habeyn lagu sameeyo booliska Mareykanka.

Sida lagu ogaday ra’yi uruurinta la sameeyay, lix kamid ah tobankii qof ee Mareykan ah waxay sheegeen in aysan ku qanacsaneyn qaabka uu madaxweyne Trump u maareeyay kacdoonkii ka dhashay dilak Geotge Floyd, halka inkabadan kala bar dadkaasina ay aaminsan yihiin in madaxweynaha uu ku guul darresytay in uu fahmo walaac ay qabaan dadka dibadbaxyada dhigaya.

Isha Warka: BBC