Baarlamaanka Puntland oo Maanta kulan deg deg ah yeelanaya

Xildhibaannada Golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Isniin ah ay yeeshaan Kulan aan caadi aheyn oo deg deg ah,kaas oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid ayaa Xildhibaannada Puntland u diray farriin lagu wargelinayay qabsoomida kulankaas,waxaana la sheegay in looga hadlayo kulanka sharciga Xeerarka doorashooyinka oo badi ay meel mariyeen Xildhibannada Golaha Shacabka oo puntland ay kasoo horjeedo.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Puntland ay Maanta soo saareyso go’aan ay gebi ahaanba uga baxeyso ka qeyb galka hannaanka doorashada Soomaaliya,xilli shalay Xubno ka tirsan Baarlamaanka ay Puntland u soo jeediyeen inay ku dhawaaqdo madax-banaani.