DHAGEYSO: Amaro laga soo saaray Amniga degmada Cabudwaaq

Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Galmudug ee ku sugan degmada Cabudwaaq ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ay degmadaasi ka fuliyeen howlgallo lagu xaqiijinayay Amniga,xilli degmadaasi uu ku wajahan yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Howlgalka ayaa Ciidamada Booliska waxaa ay ka fuliyeen dhamaan Xaafadaha degmadaasi Cabudwaaq,waxaana uu ahaa mid Gawaarida iyo dadka ku nool Magaaladaasi ay ku baarayeen si amniga loo xaqiijiyo.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in, iyaga oo fulinaya waajibaadka saaran inay qaadayaan tallaabooyin la xiriira dhanka Amniga,isaga oo u mahad celiyay Shacabka ku nool degmada Cabudwaaqoo Ciidamada la Shaqeeya.

Waxaa uu sheegay in cidkasta oo lidi ku ah Amniga ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan,waxaana uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in maranaba aan la ogolaan doonin dadka hubka Sharci darrada ah ku dhex qaata degmada,isla markaana ay tallaabo ka qaadi doonaan.