Akhriso: Xildhibaano mushaarka ay qaataan tahay canshuurta Banaadir oo mucaaraday go’aankii baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Somalia oo gaaraya 72 xubnood ayaa ka hor yimid Xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir ee maanta la ansixiyey, waxayna sheegeen yahay mid sharci darro ah oo baal marsan dastuurka.

Ilaa 10 xildhibaan oo Muqdisho ay ku qabteen shir jaraa’id ayaa laga soo saaray qoraalka lagu mucaaraday metalaadda Gobolka Banaadir ku yeelanaayo aqalka sare 13 xubnood, waxayna ku eedeeyeen Guddoonka Golaha Shacabka inuu dano gaara ka lahaa Xeerkaasi.

Xildhibaanadaan oo mushaarka ay qaataan 70% ka timaada magaalada ay u diidan yihiin horumarka ayaa ah kuwo kasoo jeeda gobolada Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed, kuwaasi oo hab qabiil ku mucaaradaayo horumarka caasimada dalka iyo madalaada ay aqalka sare ku yeelaneyso.