CC Shakuur oo Hambalyo ku aadan maalinta xorriyadda u diray Shacabka Jabuuti

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdishakuur ayaa hambalyo ku aadan maalintooda xoriyadda la wadaagay Shacabka reer Jabuuti.

43-sano ayaa ka wareegatay maalintii ay gumeystaha ka xoreebeen Walaalaha Jabuuti,wuxuuna Hoggaamiye C/raxmaan Shakuur sheegay iney yihiin Jabuuti walaalo xiriir sokeeye dadkeena iyo dalkeena la leh,wuxuuna u rajeeyay horumar iyo xasilooni.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa shacabka reer Jabuuti sanadguurada 43 aad ee ka soo wareegtay maalintii ay gumaystaha ka xoreebeen. Jabuuti waa walaal xiriir sokeeye dadkeena iyo dalkeena la leh. Waxaan u rajaynayaa horumar, xasilooni iyo xukun wanaag,”