DHAGEYSO: Maamulada Galmudug & Puntland oo Go’aano soo saaray

Kulan ku dhexmaray Magaalada Gaalkacyo oo ay ka qeybgaleen laba wafdi oo ay kala hogaaminayeen Wasiirka Wasaaradda Amniga galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad ayaa looga hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen Amniga Magaalada Gaalkacyo iyo Guud ahaan Gobolka Mudug.

Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay dilalkii iyo qaraxyadii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee lala beegsaday mas’uuliyiin ka tirsan Puntland,isla markaana siwadajir ah looga wada Shaqeyn lahaa sugida Amniga.

Wasiirka Wasaaradda Amniga galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in uu balan qaadayo in Galmudug ay Puntland kala Shaqeyneyso Amniga Magaalada Gaalkacyo iyo ka hortaga weerarada ay fuliyaan Ururka Al-Shabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad ayaa dhankiisa sheegay in Puntland ay dhankeeda balan qaadeyso in Galmudug ay kala Shaqeyso sugida Amniga Guud ahaan Gobolka iyo la dagaalanka Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka geysta Magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay weeraro kala duwan,waxaana 17-kii Bishan Waqooyiga Magaaladasi qarax ismiidaamin ahaa lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug Puntland Axmed Muuse Nuur.