DEG DEG: Qarax Xooggan oo goordhow ka dhacay Muqdisho

War goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Qarax Xooggan laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo la xiriira qaraxa.

Qaraxaan ayaa la sheegay in uu ka dhacay dhabarka dambe ee barxadda Iskaashatooyinta gaadiilayda gobolka Banaadir,iyada oo ilaa iyo haatan aan la ogeyn waxa uu Ka dhashay qaraxaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray goobta waxaanaa la arkayaa uuro iyo qiiq cirka Isku shareerag lamana oga khasaaraha ka dhashay qaraxaas.