DHAGEYSO: Dad lagu arkay Calaamadaha COVID-19 oo ku geeriyooday Cadaado

Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa Maanta dad horleh oo lagu arkay Calaadamaha Cudurka Coronavirus ay ugu geeriyoodeen Isbitaalka weyn ee magaaladaas,kuwaas oo ahaa dad da’ah.

Madaxa Caafimaadka Isbitaalka Degmada Cadaado Cabdi Fooljaawe ayaa sheegay in dadkaasi lagu arkay astaamaha lagu garto qofka qaba Cudurka safmareenka ah ee Coronavirus,isla markaana labada Ruux ay isgu jiraan rah iyo Dumar.

Waxaa uu sheegay in Magaalada Cadaado todobaadkaan dadka lagu arkay Calaadaha Cudurka Coronavirus ay gaareen 8 ruux,isaga oo dalbaday in Gurmad deg deg ah dadka Magaalada Cadaado ay u baahan yihiin.

Dhinaca kale Wararka aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayana in Diyaarad sida qalab caafimaad kana timid Maamulka Galmudug, Dawladda Faderaalka ah iyo Ganacsato Ree Cadaado ah oo ku sugan Muqdisho goordhow loo daabulay Magaalada Cadaado.