Magaalooyinka dalka Soomaaliya oo maanta si weyn looga ciidayo

Waxaa si weyn maanta looga ciidayaa guud ahaan deegaanada Soomaaliya ka dib markii xalay dad musliimiin ah ay sheegeen iney arkeen Bisha soon Fur oo muran badan uu ka taagnaa.

Dabaal degyo waa weyn ayaa ka socda magaalooyinka dalka inkastoo ciidan ay ka duwan tahay ciidihii hore oo dalka uu saameyn ku yeeshay Cudurka Koroona Fayris.

Dowladd goboleedka Jubbaland ayaa ku dhawaaqday in maanta ay tahay ciid kadib markii bisha Shawaal laga arkay goobo kala duwan oo dalka ah.

Agaasimaha waaxda Diinta iyo Awqaafta ee wasaaradda Caddaaladda, Garsoorka iyo Arrimaha diinta Jubbaland Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa shaaciyey in ay ciid tahay

Goobaha gobolka Jubbada Hoose ee laga arkay bisha Shawaal waxaa kamid ah Xayo, Qooqaanni, Taabto, Filfilaah iyo Waraha Dhoobley.

Sidoo kale waxaa laga arkay deegaanka Gamboole oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose, Ufurow oo katirsan gobolka Bay.

Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa ka mid ah meelaha laga ciidayo.