ARXAN-GOYS Q-3AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

ARXAN-GOYS Q-3AAD

Fal walba oo jiraalka carra’edeg ka dhaca iyo walaahow kasta ee ku yimaada Aadanaha iyaga ayaa sabab u ah, ma jirto qaddar timaada sabab la’aan. Aadanuhuna waa maamulayaasha ama boqorrada adduunyada. Inta noole ee adduunka joogta marka laga reebo Aadanaha, intooda kale waxay dheef u yihiin isla aadanaha, xitaa malaa’igtu waxay u adeegaan aadamaha, jinniguna wuxuu u adeegaa aadamaha. Fikradda iyo oddorosidda aadamaha ayaa leh, halka jinnigu uu leeyahay fulinta shaqada. Waa sidaas sida aadamaha Eebbe uga dhigay boqorradii adduunyada, noolaha kalena ay adeegayaal ugu yihiin iyaga. Kolkase ay gudbaan xadkooda waa in la waabiyaa, lana tusaa qaddar iyo canaan xad-gudubkooda ku jaan go’an, balse, kolka ay timaado canaanta Eebbe kii dulmiga falay iyo kii aan falinba waa ay u siman-tahay oo kala sooc malahan, balse, nolosha dambeeto (aakhiro) ayaa lagu kala saarayaa. Waa xaddiis sugan.

Gardarrada iyo xad-gudubka ay ummaduhu falaan hadda sooma billaaban oo waa dabeecad la abuurantay aadamaha. Taasna waxaa caddeyn noogu filan Aadamaha oo aan (20) labaatan qof dhammeyn ayaa Qaabiil dilay Haabiil, asiga oo diidaya faridda iyo amarka Eebbe (SWT), kaas oo ahaa: ”In Haabiil loo guuriyo, gabadha Qaabiil la mantaanta aheyd ee Qaylmaa” balse, amarkaas Eebbe oo aabbihii Aadan soo maray waxaa gaashaanka u daruuray Qaabiil oo diiday. Wax kale maahan ee waa hammiga iyo amardiiddada Aadanaha, labada gabdhood ee labada wiil mantaanaha la kala ahaa, ayaa waxaa muuqaal ahaan bilicsamaa Qaylamaa oo Qaabiil la mantaan aheyd. Sidaas ayuu Qaabiilna ku yiri: waxaan guursanayaa walaasheyda uurka ila jiifatay, mana rabo tan Haabiil uurka la jiifatay. Waa halka ay edebdarrada aadanuhu ka soo billaabatay.

Eebbe ayaa Qur’aanka ku yiri: (Wa kaanal insaanu cajuulan) ”Aadanaha waxaa lala abuuray degdeg”. Mar kalena wuxuu yiri Eebbe: (Wa khuliqal insaanu laciifan). Insaanku tamar iyo awood male oo waa daciif. Sababtu waxay tahay: Eebbe 《S.W.T》Wuxuu toddoba cir iyo toddobada dhul ku abuuray; ”lix maalmood” maalin axad ah ayaa la billaabay, isniin qeybaa la abuuray, talaado qeyb, arbaco qeyb, khamiisna qeyb, jimco gellinkeeda horena qeyb, galabtii jimcaad saacadihii ugu dambeeyay ayaa Eebbe ka gaariisay Aadam. Halka aan maalinta sabti waxba la abuurin oo Eebbe Carshigiisa ku ekaaday. Qaabka iyo sida uu ugu ekaaday ma ahan arrin annaga noo taal oo aan shaqo ku leenahay, Eebbe asiga umbaa yaqaan ekaanshihiisa. Haddaba halkaas ayuu degdeggu uga yimid Aadanaha. Abuuristii Aadam ilaa maanta aynu noolnahay aadamuhu waa kuwa qoom ahaan iyo qoomiyad ahaanba u xad-gudbaya. Ummaddaan Nabi Muxamed (S.C.W.) intii ka horreysay waxaa Eebbe halaagay ummado badan, sida: Tolkii nabi Nuux c.s. oo daad iyo duufaan naar ah lagu halaagay, tolkii nabi Huud c.s. ee heer caad, iyana waxaa lagu halaagay: duufaan iyo dabeyl madaxa iyo jirka intiisa kale kala jareysa.

Nabi Saalix c.s. tolkiisii heer Tamuud waxaa lagu baabi’yay qeylo iyo dhul gariir markii ay dileen hashii mucjisada aheyd. Tolkii nabi Shuceyb ee reer Madyan waxaa lagu halaagay: Dhulgariir iyo huwaan ama hoos naar ah. Nabi Luud c.s oo nabi Ibraahim c.s uu adeer u ahaa, tolkii uu la noolaa waxaa lagu ciqaabay: Dhulkii ay degganaayeen oo dhowr magaalo ahaa ayaa inta cirka loo qaaday ayaa dhulka lagu soo daayay asiga oo dib rogan. Waxay ku noolaayeen agagaarka hadda loo yaqaan: badda dhimatay ”Baxrul-mayid”. Nabi Ibraahim c.s. tolkii loo diray ee uu hoggaanka u hayey ninkii habaarnaa ee magaalada Baabilyoon ee dalka Ciraaq ku taalna ay xarunta u ahayd ee Namruud binu Kancaan iyagana waxaa lagu diray oo baabi’say kaneeno sanka iyo afka ka wada gashay. Nabi Muuse c.s qoomkii loo diray ee Fircoon odayga u ahaa waxaa lagu maanshoodiyey biyo wobi iyo bad. Intaas marka laga yimaado, carada uu Eebbuhu u caroodo addoomihiisa xad gudbay wadar iyo kaliba waa ay leeyihiin, balse, ummadda nabi Muxamed (S.C.W) waxa uu Eebbe ka ballan qaaday inaan sida ummadihi hore loo halaagi doonin, taas beddelkeedana ay iyagu gacantooda isku baabi’in doonaan hore iyo dibba, taasina waa wax aan maanta caddeynteedii heyno. Balse, waxaad maanka ku heysaa inaynaan ka fogeyn ummad ahaan oo haddii uu Eebbe doono dhulka nala rogi karo Eebbe naguma keeno e. “War la qabaahu xiiso ma leh” soomaalida ayaa tiraahda ee ka kaalay tusaalayaashaas. Aniga oo weli halkeygii fadhiya ayaa waxaa dhanka qorraxsin iga soo galay asiibe (Karoone) ay dabeysho lalminayso, isla markaana waxaa goobtii nagu dhex martay dood adag.

  • Waxaan iri: ninkaan soo dhocow hadalka ii dhiib?
  • Wuxuu yiri: dhammaad iyo billaaw dhega maqluu yeelo!
  • Waxaan iri: waxaad dhaaggan-tahaan kaa dhursugayaa!
  • Wuxuu yiri: dhaldhalaalki dunidaya anaa dhaqanki naafeeyay!
  • Waxaan iri: Ilaaheey ma dhihin wayna dhicisoobin!
  • Wuxuu yiri: dhur iyo kheyr wadaa jeer dhaw dhalan-doona
  • Waxaan iri: dhankow naga xigaa wow dhibtoonnahaye?

Markii aan dhowr kol hadalkii isku tuurnay, welina aan meel wax isla dhigi la’nahay ayaan toos u waydiiyey horta cidda uu yahay, balse, inta uusan ii jawaabin ayuu igu yiri: ”Gabayga Cabdulle Raage ”Taraawiil” (AUN) ma dhegeystaa? Waxaan ku iri: waa ay badan yihiin ee waa kee? Wuxuu yiri, gabayga dhahaya:

  • Raggi gaalka derintoo sidaa, Doontay taladiiye
  • Danta caama uma fiirsan iyo, Duubki loo xiraye
  • Damiirkaa dhintaya waxay galeen, Dabashadoodiiye
  • Naga dega markaan dhihi lahayn, Waa na dubateene
  • Dib jir qada la siiyaa la yiri, Daafac reer hebel
  • Mid dafa iyo mid diidee yiraa, laygu dagi maayo
  • Daldalool gufaystaya halkaan, Dalab ka dhowreynay
  • Duufaan waxay nagu fureen, Deb iyo reereere
  • Mid dafaya mid diidee yiraa, Deeqa anigaa leh
  • Mid deda iyo mid soo daba maree, Daanis ku ciyaara
  • Mid diyaarad raacaya midaan, Daawga garanaynin
  • Arrin dalab leh liisaan dulmiya, Xaajo dacaraysan
  • Xaq la diiday been loo dukaday, Dabin la qoolaayo
  • Abaar degatay jiilaal wax dilay, Dayax ma doobaaday
  • Gacan doogan deyn deyn ku gaar, Dad is khiyaanaaya
  • Nin dangaaban oo deeq yar iyo, Dahar nin jeexaaya
  • Dareen nabada duullaan martiya, Duulal kala cayn ah
  • Dulli iyo xumaataya rabshaya, Doorashiyo qeylo
  • Deris cola walaal laysku diray, Dooxatiyo tuugo
  • Laba aan deb kala qaadanayn, Daashna wada seexda
  • Dibin-daabya hoosiyo fidniya, Daacad la hungeeyay
  • Dakanooyin baas iyo maraad, Daqartay wiilkayga
  • Duqya boqor dallaal iyo ugaas, Doqonya beenaale
  • Debotaati moogiye iyadoo, Nolol na loon diiday
  • Annagoo libaax labadi daan, Daaqilka u naalla
  • Dayax shan iyo tobanaa dhashaya, Debi arooryaadee.

Ujeedkaaga hadda ayaan gartay ayaan ku iri: aniga oo u daba dhigay oonka orraxdaa keentay, adigana edeb-darrada Aadanaha ayaa ku keentay! Nin weyn ayaad tahay ee ha colleytamin hadda waan isla joognaaye. Sidaas ayuu iigu jawaabay. Dood gaaban iyo is barasho ka dib ayaan ku iri: magacaa? Wuxuu yiri: waxa lay yiraahdaa: ”Karoone 2019. Haah! Arxan-goyska aan maqlay adiga miyaa ayaan ku iri: aniga oo aan dheeraneyn cabsina dareemaya. Wuxuu yiri: haah! Waa aniga. Waxaan iri: ”Halkee ayaad ku dhalatay? Wuxuu yiri: waxaan ku dhashay suuqa qoyan ee magaalada Wuhan! Oo suuqa qoyan maxaad ula jeeddaa ayaan ku iri? Macnaha waxaan ka wadaa ayuu yiri: Suuqa inta nool lagu iibiyo! Intaan fara jacay! Oo yaabay! Ayaan waydiiyey ma samaawi ayaad tahay, mase gacan ku sameys? Wuxuu yiri: labada ayaan mid ahay, balse, waxay u badan tahay tan dambo. Si kastaba ku imaaw ee hadda maxaad ka rabtaa Aadanaha ayaan ku iri: aniga oo naxdin inta dhaafay jareynaya!.

Wuxuu yiri: ninkaagan waydiimaha badanow! Anigu ma ihi sida lay sheegayo, balse quwado is herdinaya ayaa igu dhex-darsaday warbixinno ka badbadis ah oo aan sal iyo raad toona laheyn. Waxaan iri: oo sabab? Haddii aadan aheyn sida laguu maleynayo, yaa kuu suurtageliyay inaad magaalo walba oo jiraalka ka mid ah aad si fudud ku gaarto? Wuxuu yiri: ”Arrinkaasu waa sir aan la baahineyn ee aashaa!” intuu yara is ceebsaday ayuu haddana yiri: waxaan kula wadaagayaa xog aadan ku baraarugsaneyn, balse, waa inaad lahaataa xog qaris aan bannaanka u soo baxeyn! Haye ee ii sheeg, anna waan xejinayaa, ayaan si degdeg ah ku iri: markaas ayuu hadal dheer oo dhab ka hadal u badan oodda ka soo qaaday, wuxuuna yiri:

Waxaan ahay faafe, haddana daran, sidoo kalena, waxaan ahay hab cusub oo quwadaha waaweyni ay ku doonayaan inay ku beddelaan nolosha Aadanaha, marar badan ayaa laysku dayay in wax laga beddelo, hab nololeedka Aadanaha, balse, laguma guuleysan. Dadaal dheer ka dib, waxaa lagu guuleystay in la helo fayruus, lagu beddelo nolosha Aadamaha, isla markaana kii aadanuhu hindisay ayaan anigu noqday. Asiga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: waxaa la doonayaa in Aadanaha loo raro nolosha seddaxaad, taas oo ah qaab Elektarooni ah, tusaale: in aan la arag wax lacag ah oo caddaan ah, wax walbana laga dhigo kaar iyo hawo la isu diro, in uusan jirin macallin dambo oo iskool taga ee sabbuurad wax ku qora, waxaana loo beddelayaa qaab online ah, nolosha inteeda kalena sidaas ayaa la la doonayaa, balse, ka hor inta aan taas la gaarin waa in la ogaadaa habka loo jiheyn karo maskaxda iyo indhaha Aadamaha. Wuxuu yiri: ”Marka hore waxaa irdaha loo laabay, qiblada Muslimiinta ee Xaramka” si aysan u jirin laba isugu timaada ee Ilaaheey ku barida. Marka labaadna waxaa la xiray goobaha ay barakeystaan dadyowga Shiicada ah ee dalka Iiraan, intaas ka dibna, waxaa la xiray goobta seddaxaad ee ah: Qiblada masiixiyiinta (kirishtaanka) ee dalka Talyaaniga. Sidoo kale, waxaa irdaha loo laabay goobta afaraad ee Yuhuuddu ay barakeystaan ee Israa’iil.

Weligaa ma is waydiisay halbeegga loogu billaabay xiritaanka afartaas meelood oo Aadanaha ahmiyad gaar ah u leh? Maya ee ii wad sheekada ayaan si boobsiis ah u iri: aniga oo u hammuun qaba sheekadiisa. Sabab kale maahan ee waxaa la doonayaa in dadka la kala xeyndaabo, laguna yiraahdo ha is taabannina, hana isasoo booqannina, meelna ha isugu imaannina, kiinna dhintana ha aasina ee ha la gubo. Intaas ka dibna, wajiga labaad oo ah: ”In adduunyada laga dhammeeyo waayeelka”. Intaan isla imid ayaan ku iri: ”Bisinka iyo burdaha ee maxaa loo dhammeynayaa waayeelka?” inta uu si kulul iisoo fiiriyay ayuu igu yiri: ”Haddii aadan ii laheyn dulqaad aad igu dhageysato, haddaba nagu kala wad!” raalli noqo ee warbixinta ii dhammeystir ayaan ku iri: aniga oo si edeb leh u dhegeysanaya. Wuxuu yiri: ”Waayeelku, waa kuwa kaliya ee dhallinyarada ku celiya diintooda iyo dhaqankooda, sidaa darteed iyaga oo nool lama beddeli karo, jiilkaan qaabka qalloocan ku koray ee nasiibka daran. Marka hore waa in waayeelka laga hor wareejiyaa ciyaalka oo uu ula jeedo dhallinyarada.

Kuma dhoco dhallaanka iyo da’aadda yaryar, kumana dhaco dadka tamar ahaan uu jirkoodu difaaca adag leeyahay. Waayeelkuse gebi ahaantoodba difaaca jirkoodu waa mid hooseeya, wuxuuna u nugul yahay, feyruus kasta ee soo weerara. Waayeelka kale ee jirkoodu is difaaci karana waa la shubayaa! Yaa yaa! Ceel miyaan joognaa oo xoolo ayaan waraabineynaa waa maxay waxa la shubayo ayaan la soo booday! Saaxib warka garo ama ha garan waa arrin adiga kuu taal, balse, qofkii toddobaatan jir ka weyn ee shubi diida waa la shubayaa!. Haye! Haye! Ha la shubo ee wajiga seddaxaadna waa maxaay? Ayaan ku afjigay si aan warku iiga kala go’in…wajiga seddaxaad waa inuu dhaco dagaalkii seddaxaad ee Aadanaha! ”Allow naga haay kii koobaad iyo kii labaadba ma joogin, dadka ayaanse ka maqlayey ee sow adigu ma tihid dagaalkii seddaxaad? Ayaan u iri: si aan ku talogal aheyn. Waa runtaa oo labadaas dagaal adigu ma joogin, aniguna ma jirin oo leyma aqoon, hadda ayaase la doonayaa in adigana dagaalka seddaxaad marag lagaa dhigo, anigana waddada lagu gaarayo leyga dhigo. Werin falxad iyo ayaan leh iima sheegin, sidoo kalena, aadamaha uma waddid ee wajiga dhabta ah daaha iiga rog, ayaan ku gaabsaday. Wuxuu yiri: ”Waxaan ahay aalad lagu weeraray Mareykanka, maadaama ay isku sheegaan inay dunida maanta nabaddoonno ka yihiin, sidaa darteed, kolka ay ka soo faraxashaan dhibaatada aan ku haayo aniga Karoone ah, ayey dacwo ku furi doonaan dal weynaha Shiinaha oo ah rabta aan ku dhashay.

Dacwada Mareynkanka iyo aadanaha intiisa kale Shiinuhu waa uu iska difaaci doonaa, asiga oo ku doodaya inuusan fayruus iyo cudur midna abuuri karin. Intaas ka dib, Mareykanka iyo xulufadiisuba waxay weerari doonaan Shiinaha oo isaguna aayaddiisa qaadan kara. Kolka Aadamaha laba qeyb, qeyb ka mid ah la shubo (dhimato) ayaa heshiis la amaamudi doonaa dadka oo intii hore ka yar, halkii loo jiheyana u jiheysmaya!. Wuxuu sii daba dhigay waydiin uu isla aniga i waydiinayo, wuxuuna yiri: ”Maxaad isu dhega mareysaa, sow labada isbuuc ee bishaan u dambeeyay ma arkin diyaaradaha holan ee Ruusha oo roorsanaya kuwa kale ee iyana holan ee Mareynkanka? Waan arkay, anmaase dan ka leh oo cirka degaan iigu yaal ayaan ugu jawaabay. Haddii aadan cirka degin yeelkeede, haddaba ogow! Korkaaga ama dushaada ragbaa isku heysta adna waad huruddaaye, inta goori goor tahay inaad ka dhiidhiso ayaa kuu leh, adiga oo isku duuban Aadane ahaan. Taasi waa ma dhacdo Aadanuhuna isku dan iyo xaajo maahan ee wax kale maheysaa? Waydiinteydi ayaa sidaas aheyd. Intuu la yaabay himmo yarideyda ayuu yiri: sow ma aadan maqal markii uu Hadraawi yiri:

  • Halka deyr waqtigu dhigo
  • Dibbaa looga sheekeyn?

Asiga oo digasho hadlaya ayuu hadalkiisii kusoo koobay: ”Anna halka aan aadanaha dhigo, dibbaa looga sheekeyn”. Waa runtaa ee anna inta dib uga sheekeysa Eebbe ha igu daro, adigana Alle ha na kala amaansado. Waa sidaad jeceahay intuu yiribuu ii sii daba dhigay: ”Anigu waxaan ahay mashruuc cusub oo nolosha looga gudbayo”. Adiga oo hergeb ah miyaa nolol cusub lagaaga gudbayaa ayaan ku iri: intaan ku xanaaqay. Wuxuu yiri: jaalle tartiibso, hergebku celcelis ahaan aadamaha wuxuu sannadkii ka dilaa dad u dhigma: (600.000) lix boqol oo kun. Aniguna muddo laba bil ka yar ayaan ku dilay (100.000) boqol kun oo qof, welna faanoole fari kama qodna. Wuxuu ku tookhay inuu toban jibbaar ka daran-yahay hergebka la yaqaan, wuxuu yiri: marka uu yahay heerka faafitaanka ee hergebku 《1,3 hal hakad seddax》anigu waxaan ahay: [3] seddax.

Wuxuu mar kale ku tookhay in qofka hergebka qaba uu halkii tillaabo u gudbin karo laba qof, halka qofka Karoonaha qaba uu halkii tillaabo u gudbin karo toban qof. Haddii aad ka soo qaaddo hegebka qofka qaba, tobankii tillabo wuxuu u gudbin karaa konton ilaa boqol qof, halka tobankii tillaabo uu u gudbin karo qofka karoonaha qaba konton kun oo qof ugu yaraan. Sidoo kale, qofka fayruska hergebka qaba waxay astaamuhu ka soo muuqdaan hal ilaa labo maalin, balse, qofka Karoonaha qaba wuxuu qarsan karaa ugu yaraan toban iyo afar maalin, asiga oo qofku uu intaas faafinayo. Sidee ayaad hergeb iila meel dhigtaa, waa warkiisii ugu dambeeyay inta aynaan kala tegin. Kolkii uu iga sii tegay ayuu su’aashiisii ugu dambeysay i waydiiyey, taas oo ahayd: ”Magaceyga waxaa la yiraahdaa: ”Karoone” waxaana loo soo gaabiyaa ”Covid19″ ee maxaad iigu bixisay: Arxan-goys? Jimcada xigta ayaan kuu sheegi doonaa haddii aan nabad ku gaaro, adiga iyo anigana Eebbe na kala amaansado. Sidaas ayaan ku kala dalcaawnay!

La soco qeybta xigta iyo arxan-goys. Idam Ilaaheey

W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”