Kenya oo qiil u yeeshay mudada lagu kordhiyay go’doomintii Islii

Xilli Soomaalida ku dhaqan xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi ay suggayeen in go’doominta laga saaro xaafadaasi ayaa waxaa Dowladda Kenya ka soo yeeray war walwal ku abuuray.

Wasiirka Caafimaadka Kenya, Mutahi Kagwe ayaa sheegay in lix iyo toban maalmood lagu daray go’doomintii horaantii bishan la geliyay xaafadda Islii, oo ku mudeysneyd muddo shan iyo toban maalmood ah.

Ujeedada laga lahaa go’doominta ayaa ahayd in lagu xakameeyo faafitaanka xanuunka COVID-19, ka gadaal markii ay Kenya sheegtay in dad badan oo Islii degan laga helay xanuunkaasi.

Wasiirka Caafimaadka Kenya ayaa sheegay in Islii ay xaaladda go’doominta ku sii jiri doonto, illaama laga gaarayo 6-da bisha soo socota ee June, sababo ku aadan Kenya oo tallaabadaasi u aragtay mid aan looga maarmi karin xakameynta COVID-19.

Go’doomintan ayaa ah inaanay cidina geli karin, kana bixi karin xaafadda Soomaalida Nairobi ku badan tahay ee Islii, waxaana go’doominta la kordhiyay, xilli ay Soomaalida isu diyaarineysay munaasabadda Ciidul Fitriga.

Sidoo kale go’doomintan ayaa waxaa ku sii jiri doonto qaybo ka mid ah Magaalada Mombasa, sida Suuqa Qadiimiga. Labadan goobood ayay Kenya bartilmaameed ka dhigatay, iyadoo ku andacooneysa in xaaladaha ugu badan ee COVID-19 laga diiwaangeliyay, guud ahaan dalkaasi.

Mutahi Kagwe, Wasiirka Caafimaadka Kenya ayaa tani ku macneeyay, mid qayb ka ah dadaalada ay Xukuumadda Nairobi kaga hortageyso faafitaanka xanuunsidaha COVID-19, ee uu keeno Coronavirus.

Soomaalida Islii oo qaarkood la hadlay Warbaahinta ayaa walaac xoogan ka muujiyay mudada lagu kordhiyay xaaladdii gooni-yeelka ahayd ee markii hore la geliyay xaafadaasi.