Jubbaland oo Sheegtay in 70 qof hor Leh Laga Helay xanuunka COVID-19

Maamulka jubbaland ayaa sheegay in deeganadiisa laga helay 70-qof oo laga helay Caabuqa Carona-virus.

Dr. Mursal Maxamad Khaliif, Wasiirka Caafimaadka Jubbaland ahna Gudoomiyaha Guddiga Ka Hortagga COVID-19 ee Jubbaland ayaa xaqiijiyay in 70 qof oo cusub laga helay xanuunka,taasi oo ka dhigan in 24-kii saac ee ugu dambeysay xanuunka laga helay 70 qof, ka dib markii laga baaray 106 qof.

Tani ayaa ka dhigan in deeganada maamulka Jubbaland laga diiwaangaliyay 134-xaaladood oo caabuqa Carona-virus ah,5qof ayaa dhimatay.