Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska oo ka badbaaday qarax lala eegtay

Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu barqanimadaan ka dhacay Isgoyska mashquulka badan ee Banaadir degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho

Qaraxa ayaa waxaa ay sheegeen goobjoogayaal in uu ahaa mid lagu xiray gaari nooca Toyota Hilux (Qooqan) oo uu leeyahay taliyaha hoggaanka Caafimaada ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cali Xirsi Barre Cali Gaab.

Warar kala duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qaraxaas,waxaana la sheegay in uu ku dhintay hal askari Saddex kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo kamid ahaa ilaalada Taliyaha,sidoo kalena uu badbaaday qaraxaasi taliye Cali Gaab.

Ciidamada Booliska ee ku sugan Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa muddo hakiyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka markii uu qaraxa dhacay,hayeeshee ay dib u fureen.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho aad uga yaraaday qaraxyada gawaarida lagu dhejiyo oo mas’uuliyiin farabadan lagu dilay,waxaana inta badan mas’uuliyadda qaraxyadaas sheegta Urrurka Al-Shabaab.