HADDEYNAAN GARAADSAN MA GARWAAQSAN DOONAAN! W/Q: Aw Cabdiqani Xasan Muxumed

HADDEYNAAN GARAADSAN MA GARWAAQSAN DOONAAN!

Umadda soomaaliyeed oo muddo dheer ku soo jirtay jahawareer, dawlad la’aan iyo fawdo waxa ay soo martay xilliyo kala beddelan iyo duruufo kala duwan. Waabaa jiray dheguhu aad u maqlayeen gobonnimo-doon iyo gumeysi-diid. Hummaag dawladnimo ayaa mar muuqanayay. Beribaan qaaradda Afrika ka dhex muuqannay. Bur-bur iyo dagaallo sokeeye ayaa beddelay oo beeliba beel bay ku duushay. Balaayo afuuf iyo baas-wadayaal ayaa bartii dawladnimo beddelay. Islaan baa la yiri: ”boqol geesi oo reerkiinna ah ayaa dagaalkii lagu dilay geel fara badanna waa la dhacay”. Waxa ay tiri: Allaw anaa cadawgey qoslay. Qasaaraha na gaaray wuxuu dhalay qosol shisheeye iyo qaaradda madaw oo na quursatay, qabkeenniina waa jabay, maaddaama aan is qoonsanay.

Araasi xoola lama timaaddo’e waxaa is hayn kari waayay da’dii naga yareyd oo boohinteennii la beer-go’day. Gogol gacal oo gardoona ayaa la isku dayay. Dabandaabyadii iyo dagaalkii sokeeye mid ka bedqaba ayaa la caleema saaray. Bulshadii bislaatay ayaa u bogtay, balse, dhagar-qabayaashii ayaa dhabbaha u galay. Gaagaxaas geyigeenna gaartay ragbaa geeloodii ku irmaanaaday. Dunida aan caddaaladda badani ka jirin ayaan danaynin dib u kabashadeenna. Dalalka deriska ah ayaa dantooda u arkaya in ay ku jirto dawlad la’aan deriska hodonka ah haddana ka harradaan.

Quwadaha waaweyn baa wata qorshayaal is diiddan. Agoon haddii uu aabbe waayo adeer baa u arxami jiray. Qoyskii dareen galana deriskaa meydka u duugi jiray, balse, innaga cidi nooma damqan. Ilmihii adeer waaya waxay haybsadaan abti innagase hooyadeen waxa ay ahayd madi. Wed loo filaase weli nool. Muddadaan danbe waxa aan maqalnaa doorashooyin xor iyo xalaal ah, baarlamaan, dastuur iwm. Aqoon-yahanka iyo indheer-garadku arrinkaas aad bay u dhaliilaan, iyagoo mar walba hal-hayskoodu yahay ”hal xaaraan ihi nirig xalaal ah ma dhasho” iyo ” shinbirayahaw heesa”.

Maxaa yeelay, biyo hortoodu calaw yihiin gadaashoodaa ka daran. Dad badan ayaa is weydiinaya ”xaggee ayey sartu ka qurunsan tahay”. Xaqiiqadu waa in shacabku dhoohan yahay oo aanu ku jirno riya-maalmeed. Siyaasiyiintu si ay u gaaraan ujeeddooyinkooda gurracan waxa ay adeegsadaan bulshada iyagoo ku beerlaxawsanaya hadba maaddada ay is leeyihiin waa la daneynayaan. Shalay qabiil, dorraadna diin, maantana maamul gobaleed, berrina …? War iyo dulucdii dadkeygaw dulliga ina haysta innagaa gacmaheenna ku keensannay, haddii aynaan is beddelinna ALLE swt na beddeli maayo. Aayadbaa leh:

 إِنَّ اللَّـهَ لَا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُوا مَا بِأَنفُسِهِمْ

Ilaaheey! qoom ma beddelo ilaa ay iyagu is beddelaan!

Waxaa jira halxiraale oranaya: “sheeg walax dhinta marka la arko” waxaa la yiraahdaa: waa beenta. Haddaba marka aan garaadsanno oo aan garanno danteenna waxa xaqiiqa ah in ay siyaasiyiintuna garwaaqsan doonaan, balse, haddaynaan garaadsan ma garwaaqsan doonaan.

  • W/Q: Aw Cabdiqani Xassan Muxumed
  • gababdigani@gmail.com