XOG: Khilaafka Farmaajo & Kheyre oo cirka galay & Xiisad laga dareemayo Villa Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa amar ku bixiyay in la hor istaago shir jiraa’id uu Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku qaban lahaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Xogta shirkan aan ka helnay ayaa lagu sheegay in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu ku shaacin rabay xil ka qaadista taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Xijaar oo saaxiib dhow la ah madaxweynaha iyo Taliyaha Ciidanka NISA Fahad Yaasiin.

Sida wararka aan ku helnay joojinta shirkaas jiraa’id ayaa waxaa qeyb ka ahaa ciidanka ilaalada gaarka ah ee madaxtooyada Soomaaliya,kuwaas oo gabi ahaanba xiray madaxtooyada iyo Kantaroolada laga soo galo,waxayna arrintaan habeen ka hor oo laga dareemay madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa muuqata inuu sii kordhay khilaafka siyaasadeed ee iminka ka dhaxeeyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre, waxaana maalmahan dadka si weyn u hadal hayeen in Xildhibaanada qaar ay wadaan mooshin ka dhan ah Ra’iisal wasaaraha.

Arrinta ugu weyn ee Labada mas’uul isku hayaan ayaa lagu sheegay Xisbiga weyn ee madaxda ay soo wadaan,kaas oo Ra’iisal wasaaraha uu ka biyo diidan yahay ka mid noqoshadiisa.