XOG: Beesha Caalamka oo Farmaajo ku cadaadineysa inuu la Heshiiyo Axmed Madoobe

Wakiilada Beesha caalamka ka jooga Soomaaliya ayaa cadaadis xooggan ku saaraya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu heshiis dhab ah la gaaro madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada UK, Norway, Sweden , Germany Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo Wakiilada iyo Madaxda Ururada daneeya arrimaha Soomaaliya oo madaxweyne Farmaajo la hadlay ayaa dhammaantooda cod isku mid ah ugu sheegay inuu xal ka keeno arrinta Jubbaland si looga baxo dhibaatooyin faafida Xanuunka Covid-19 oo kiisas kala duwan laga helay Jubbaland qaar ka mid ahna ay u dhinteen iyo hanaanka qabsoomid doorashooyinka 2020-ka.

Madaxweyne Farmaaho ayaa horay u sheegay in Dowladiisa aysan aqoonsaneyn doorashadii sanadkii hore ka dhacday magaalada Kismaayo ee lagu doortay Axmed Madoobe,waxayna ku tilmaantay mid afduub iyo boob lagu gaaray.

Axmed Madoobe, madaxweynaha Jubbaland ayaa heshiis la gaaray xubnaha isbedel doonka Jubbaland,kuwaas oo ka carooday doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo ee lagu shubtay,wuxuuna madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqay iney miiska wada hadalka yimaadaan si xal looga gaaro Khilaafka jira.