Akhriso:-Khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay duleedka Gaalkacyo

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo laba maleeshiyo beeleed Maanta ku dhex-maray deegaanka Taaroge oo ku yaalla duleedka Waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Labada maleeshiyo Beeleed oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan sida uu ku bilaawday dagaalka,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in maleeshiyaad kasoo jeeda dhinaca Galmudug ay weerarka qaadeen.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkii dhex-maray labada maleeshiyo Beeleed ay ku geeriyoodeen laba ruux halka shan kale ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo dhamaantood ka kala tirsanaa dhinacyada dagaalamay,waxaana dagaalkaan  muddo laga joogo labada todobaad uu ka dhacay deegaankaas.

Maamulada Puntland iyo Galmudug weli wax war ah kama soo saarin dagaalka labada maleeshiyo Beeleed ku dhex-maray deegaanka taaroge ee duleedka Magaalada Gaalkacyow,waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan.