XOG: Xaaf oo ku wajahan magaalada Dhuusamareeb

0

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug,halkaasi oo ay ku sugan qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada mucaaradka ah.

Axmed Cabdi Salaam safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Itoobiya ayaa sheegay in maalmaha soo soco uu magaalada Dhuusamareeb soo gaarayo madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maamul cusub ku heysto magaalada Gaalkacyo,kaas oo ka biyo diidan doorashada madaxda cusub ee Galmudug.

Xaaf ayaa qeyb ka noqonaya dadaalo la doonayo in meesha looga saaro khilaafka ka dhex jira siyaasiyiinta Galmudug,islamarkaana lagu taageero madaxweyne Qoor Qoor.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa hadda ku sugan Xildhibaanada kala ah, Mahad Salaad,Axmed Macalin Fiqi,Shuuriye iyo siyaasiyiin kale kuwaas oo horay u diiday doorashadii ka dhacday magaalada Dhuusmareen,islamarkana hadda u xuubsiibtay iney la shaqeeyaan maamulka Qoor Qoor aqbalayna baaq uga yimid madaxda cusub ee Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa iney ka dhacdo xafladda caleema saarka madaxda cusub ee Galmudug,taas oo ay u dhan yihiin mucaarad iyo muxaafad.

You might also like More from author

Leave A Reply