Baarlamaanka Galmudug oo aqbaley Codsi uga yimid Madaxweyne Qoor Qoor

0

Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa ay kulan ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb,waxaana hortegay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Kulanka intii uu socdey ayaa Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo Wakiil ka ah Madaxweyne Qoor Qoor waxaa uu Xildhibaannada ka codsadey inay Mudo kordhin u sameeyeen Waqtiga uu Madaxweynaha ku soo magacaabayo Golaha Wasiirada.

Intaasi kadib Xildhibaannada Galmudug ayaa dood dheer waxaa ay ka yeesheen Codsiga Madaxweynaha,iyaga oo cod gacantaag ah ku ansixiyey codsiga Madaxweyne Qoor Qoor,iyaga oo muddo bil ah ugu darey waqtiga uu kusoo Magacaabayo Golihiisa Wasiirada.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa si doo kale Xildhibaanada ka horjeediyey khudbad uu uga hadlay arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo halka ay marayso qaban qaabada Caleema saarka Madaxweynaha Galmudug.

You might also like More from author

Leave A Reply