XOG: Axmed Madoobe oo looga yeeray Itoobiya

0

Ilo xog ogaal ah oo ku sugan Madaxtooyada Jubbaland ayaa inoo sheegay in madaxweynaha maamulkaas Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe looga yeeray magaalada Adis-ababa ee dalka Itoobiya.

Axmed Madoobe oo haatan abaabul dagaal iyo diyaarinta ciidamo ka wada gobolka Jubbada hoose ayaa soo gaartay warqad kaga timid Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ku aadan inuu mudo cayiman ku yimaado magaalada Adis-ababab si wada hadalo loola yeesho.

Warqadan oo qeyb ka mid ah loo soo dusiyay Shabakadda Warqaad ayaa waxaa ku qornaa erayo adag oo Axmed Madoobe loogu dalbanayo inuu ku soo gaaro dalka Itoobiya.

Lama oga sababta madaxweynaha Jubbaland loogu yeeray iyo tallaabada uu qaadayo,balse waxaa jira khilaaf adag oo iminka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland ee uu hoggaaminayo Axmed Madoobe.

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa xiriir wanaagsan la leh dhiggeeda Soomaaliya,waxayna arrinta u badan tahay in Axmed Madoobe lagu qasbayo inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Federaalka.

You might also like More from author

Leave A Reply