Somaliland oo soo saartey Amar looga hortagayo Caabuqa Coronavirus

0

Soomaaliland ayaa Maanta waxaa ay ku dhawaaqdey in ay tallaabo ka qaadi doono cid alaala cidii lagu arko,iyada oo Jaad ( Qaad) ku cuneysa Goobaha Maqaaxiayda ah ee ku yaalla Hareeraha wadooyinka Guud ahaan deegaannada Soomaaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliland Maxamed Kaahin Axmed oo Warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in aan marnaba la ogolaaan doonin in dadka ay si koox koox ah Jaadka( Qaadka) ugu cunaan goobaha la isugu yimaado sababo la xiriira Caabuqa Dunida faraha baas ku haya ee Coronavirus.

Wasiirka waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey in Maalinta Berito ah Guud ahaan deegaannada Soomaaliland lagu daadin doono ciidamo tallaabo ka qaada dadka sida Koox kooxda ah u cuna Jaadka.

Soomaaliland ayaa horey waxaa ay u qaadey dhowr tallaabo oo looga hortagayo Cudurka Coronavirus,iyada oo Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland shalay ay karantiishey 16 Ruux.

You might also like More from author

Leave A Reply