Guddoomiyaha Guddiga Caleema-Saarka Madaxda Galmudug oo la kulmey Xaaf

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Xaflada Caleemo-Saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Yuusuf Garaad Cumar oo maalmahaan socdaal ku marayey deegaano ka tirsan Galmudug ayaa Magaalada Gaalkacyo waxaa uu kula kulmey Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle.

Kulanka ayaa waxaa ay labada dhinac uga wada hadleen dhacdooyinkii horey uga dhacay Galmudug kuwa weli taagan ee xalka u baahan iyo Arrimo badan oo ku saabsan xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya.

“Waxaan gurigiisa Gaalkacyo salaan ugu tegey Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf, Sheekooyin dhinacyo badan oo aan isla soo qaadnay ayaa isugu jiray dhacdooyin hore, kuwo hadda taagan, mustaqbalka Galmudug iyo guud ahaanba siyaasadda dalka ayuu yiri”Yuusuf Garaad”

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Xaflada Caleemo-Saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa maalmahaan ku guda jira qaban qaabinta Xaflada Caleema-Saarka,kadib markii dib loo dhigey,waxaana uu socdaalo kala duwan uu ku mareyay deegaano badan oo ka tirsan Galmudug.