Gabar Sun Ay Cabtay Ugu Geeriyootay Degmo Ka Tirsan Galgaduud

0

Wararka aan ka heleyno Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas xalay ay isku dishay Gabar, kadib markii ay Cabtay Sun.

Dad ku sugan Guriceel ayaa inoo sheegay in Gabadha oo kamid aheyd dadka deeganka ay isku soo xirtay Qol ku yaalla guri ay ku sugneyd, hayeeshee markii dambe ay cabtay Sun, iyadoona ugu dambeyn u geeriyootay.

Sidoo kale Dad deris  la’ ahaa Gabadha geeriyootay ayaa xaqiijiyay in Gabadha ay aheyd qof xaas ah oo la qabay, balse Ninkii Seygeeda ahaa uu la guursaday Gabar kale, sidaasina ay ku hinaastay ama ay ku maseertay.

Dhacdadaan ayaa Maanta siweyn looga hadlaayaa Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxaana dadka qaarkood ay sheegeen in markii ay maqleen geerida Gabdha ay ka naxeen.

You might also like More from author

Leave A Reply