Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo ansixiyey Miisaaniyadda 2020

0

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa Maanta Kulan ku yeeshay Baarlamaanka Hir-Shabeelle,iyaga oo ansixiyey miisaaniyadda Hir-Shabeelle ee sanadka 20202.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen 51 mudane ayaa waxaa ay ku ansixiyeen miisaaniyadda Maamulka hir-Shabelle ee 2020 oo sanadkaan gaareysa toban iyo afar milyan, toban kun sagaal boqol siddetan iyo afar dollar (14,10984.000 Us).

Guddomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hirshabelle Cabdi Xuseen Geedi oo kulanka shir guddoominayey ayaa sheegay in ay ansax tahay miisaaniyada Hir-Shabeelle ee sanadka 2020 oo ay Baarlamaanka u codeeyeen.

Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa horay u soo gudbisey Misaanadda Hir-Shabeelle ee sanadka 2020,waxaana soo ansixiyey Golaha Wasiirada Maamulkaas,kuwaas oo u soo gudbiyey Baarlamaanka.

You might also like More from author

Leave A Reply