Arrimaha cabashada dhul boobka dalka oo xarkaha goostay (Warbixin dhinacyo badan)

Dalka Soomaaliya tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii Kacaanka AUN Jaalle Maxamed Siyaad Barre isla markaana dalka ay ka dhaceen dagaallo sokeeye iyo burbur waxaa sanadba sanadka ka dambeysa sii kordhayay dembiyada la xariira arrimaha dhul boobka.

Dowladaha iyo maamulada dalka soo maray ayaa iyagu hadba heerar kala duwan uga qeyb qaadanayeen inay xaliso mushkiladaha dhulalka la kala heysto, iyadoo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) uu haatan dhabarka u xirtay sidii uu u dardar gelin lahaa howlaha gobolka.

Guddoomiyaha ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galay munaasabado dhowr ah oo dadkii lahaa dib loogu celinayo guryo la kala heystay, tallaabadaasi oo noqotay mid ay si weyn ugu riyaaqeen ahacabka Soomaaliyeed isla markaana rajo gelisay in dadkii dalka ka cararay dib u soo laabtaan.

Dowladda dhexe ee federaalka oo iyada qudheeda aan ka marneyn dhibaatada dhul boobka ayaa bilowday tallaabooyin ay dib ugu soo ceshaneyso xarumihii danta guud sida goobaha caafimaadka, isbitaalada, jardiinooyinka iyo beeraha, wuxuuna guddoomiye Cumar Filish dhowaan ciidamada AMISOM kala wareegay xarun MCH oo saldhig u ahayd in muddo ah.

Khubarada ku xeel dheer arrimaha dhulka iyo degaameynta ayaa ku tilmaamay tallaabada maamulka gobolka Banaadir uu u qaaday isu celinta dhulalka la kala heysto dib u xusuusisay AUN Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow doorkii uu ku lahaa blic soo celinta caasimadda dalka ee Muqdisho.

Wareegtooyin ka soo baxay maamulkii ka horeeyay Guddoomiye Cumar Filish ayaa dhaqan geli waayay intooda badan kuwaasi oo ku saabsanaa in la faarujiyo goobaha danta guud sida jardiinooyinka Muqdisho oo haatan intooda badan ay la wareegeen rag ganacsato ah, kuwaasi oo intooda badan ay ku yaalaan kaalimo shidaal.

Intaas markaan uga gudubno dhibaatada dhul boob-ka xoogan ee dalka ka socda, haatanna waxaan galeynaa doorka kooxo Soomaali iyo ajaanib isugu jira ay ku leeyihiin kaasi oo iminka cirka isku shareeraya, hase yeeshee waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ay ka digeen in haddii aan laga hortegin ay ka dhalaneyso cawaaqib aan la mahadin doonin.

Beesha Mataan Cabdulle oo ka tirsan beel weynta Abgaal Cusmaan ayaa guntiga dhiisha isaga dhigtay sidii ay geed dheer iyo mid gaabanba ugu kori lahayd in qowleysatada ku soo yaacday degaanadeeda ka difaacato, kuwaasi oo si khiyaano ah u boobaya dhulkii ay ka dhaxleen awoowayaashooda.

Dhulkaan oo u dhaxeeya min afaafka hore halka ay ku eg tahay magaalada Muqdisho ilaa iyo degaanno ka tirsan degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe halkaasi oo kooxo isugu jira ganacsato, qurbajoog iyo shirkado shisheeye ula wareegayaan goofafka ku yaala.

Arrimaha iigu yaabka badan ee ay werineyso daraasadda aan ka sameeyay dhul boobka dalka ka socda waxaa ka mid ah in xilli habeen ah la cabirayo dhul goof ah, taasi oo aanay cidina daah ka saarneyn tallaabooyinka noocaas ah khiyaanada xoogan ee ku jirta.

Kooxaha dullaala dhulalka ayaa iyagana qudhooda door lixaad leh ka ciyaara arrimaha dhul boobka ee ka socda dalka, iyagoona lacago aan u qalmin dhulka ay doonayaan ku qalqaaliya dadka markaasi iska leh milkiyadda dhulka.

Waxgaradka beesha Mataan Cabdulle ayaa horay digniino culus uga soo saaray tallaabooyinka sida sharci darrada ah loogu boobayo dhulkooda, iyagoona horay muddo dhowr jeer ah ku baaqay inay wax ka qabato dowladda federaalka oo iyadu la daalaa dhaceysa sidii ay ku soo ceshan lahayd xarumaheeda.

Dhaqan ahaan beelaha Soomaaliyeed mid waliba waxay leedahay dhul loo yaqaano oo degaan u ah, iyadoo odayaasha dhaqanka beesha Mataan Cabdulle digniin gaar ah u dirtay in beelo ay shalay degaanadeeda ku soo dhoweysay inay maanta qeyb ka noqdaan falalka dhulkooda lagu boobayo isla markaana jebiyay xeerka soo jireenka ah ee loo yaqaano “Doon-fuul” una dhaxeeya dhammaanba beelaha Soomaalida ah.

Shirkadaha Turkiga ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa qaaday koobka dalalka shisheeyaha ah ee iyagu u soo shaqo tegay tan iyo wixii ka dambeeyay markii Madaxweyne Erdogan iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde markaasi oo Soomaaliya ay ku habsatay abaar.

Gurmadkii bani’aadaminimo oo Turkidu siisay Soomaaliya ayaa soo jiitay indhaha wadamada caalamka iyo hay’adaha gargaarka, kuwaasi oo iyagu ku dhiiran waayay xaaladda dalka ka jirtay aawgeed, hase yeeshee taasi bedelkeeda waxay keentay inay la wareegaan dhammaanba goobihii muhiimka ahaa dhaqaalaha dalka iyagoo aan weli ka howlgelin inta badan gobollada dalka oo ay ka soo barakaceen qoysas Muqdisho u soo haajiray.

Waxaa Qoray: Jabra Shaaciye
E-mail: jabriil@journalist.com
Muqdisho – Soomaaliya