Ra’iisal Wasaare Kheyre oo soo saaray amarro dhif iyo naadir ah cudurka Crona awgiis

Ra’iisal Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa jeediyay khudbad uu uga hadlayo khatarta cudurka Crona, wuxuuna tilmaamay tallaabooyinka dowladiisu qaadeyso si looga hortago inuu ku faafo guud ahaan dalka oo dhan.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaarisay lacag dhan 5-Milyan Dollar oo wax looga qabanayo dadka laga helo cudurka Cofid19 isla markaana xarunta isbitaalka Martini lagu karantiilayo bukaanada uu soo rito.

“Muddo 15 maalin ah waa in la xiro goobaha waxbarashada, lana joojiyo isu imaadyada shacabka iyo shirarka aan muhiimka ahayn” ayuu yiri ra’iisal Wasaare Kheyre oo shacabka ku booriyay inay dhinacooda muujiyaan taxadar dheeraad ah.

Amarka uu soo saaray Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu qabtay qofkii ugu horeeyay ee laga helo cudurka Crona Virus, iyadoo ay socdaan baaritaanada dadka dalka ka soo gelaya dibadda iyo xuduudaha dalka.

Dhinaca kale cudurka Crona oo markiisii ugu horeysay ka dillaacay magaalada Wuhan ee wadanka Shiinaha ayaa gilgilay inta badan dalalka caalamka, waxaana maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaya tirada dadka la il daran cudurkaasi.

Shabakadda wararka Shaaciye
Muqdisho – Soomaaliya