Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Eng. Abdullaahi Ai Hassan, ayaa ka qeyb-galay bandhiga guryaha iyo shirka shirkadaha dhismaha oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Eng. Abdullaahi Ali Hassan oo ay wehelinaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda, ayaa ugu horreyn boggaadiyey qaban-qabiyeyaashii bandhigan, waxaana uu sheegay in dhismeyaashu ay muhiim u yihiin Bilicda, Ganacsiga iyo Warshadeynta dalka isla mar ahaantaana ay u baahan yihiin Maal-gashiyo waaweyn.
Wasiirku, wuxu xusay in maanta ay dalka ka jiraan sharcigii Maal-gashiga, Sharcigii Shirkadaha iyo Heshiiska Caymiska ah ee MIGA oo dhammaantood ba suurto-gelinaaya in hanti badan lagu maal-gashan karo wadanka lagu na aamini karo, waxaana uu xusay iyada oo la eegayo muhiimadda helitaanka qofka Soomaaliga ahi u baahan yahay guri uu ku noolaado in baananka kala duwan ee dalku ay maal-gashiyo ku sameeyaan ama ay fududeeyaan Maal-gashiga guryaha.