Tifatiraha Mareegtan oo fariin u diray Warbaahinta Madax bannaan iyo DF!!

Mudane Nuur Ismaaciil Sheekh oo ah Tifatiraha guud ee Shaaciye.com ayaa yiri Waxaan Mareegtan ugu tala galnay inaan ku soo bandhigno qoraalo codod iyo muuqaalo ku saabsan xaqiiqada Soomaaliya. taaso ay dheer tahay dabagalo an ku sameyno xarumaha Musuq maasuqqa kajiro ee Dowladda Federalka maamul gobaleedyada .

Wariye Nuur Ismaaciil Sheekh
Wariye Nuur Ismaaciil

Waa masuuliyad saaran Warbaahinta madaxa bannaan.annaga si lamid ah wararkaasi an kor kuxusnay waxaan soo gudbinaa Arimaha Bulshada, Caafimaadka,Deegaanka iyo Noloshaba, xaqiiqada dalka kajirta in aan idin soo gudbino waxaan kala kulanay xarig handadaad cabsi gelin iyo in Tifatiraha Mareegtan laba iyo toban maalmod sifo sharci darro ah Dowladda Farmaajo ugu xirato.markuu iska diiday in uu laalush ka qaato Dowladda Madaxweyne Farmaajo. si wararka uu shacabka ugudbiyo faaf reeb loogu sameeyo. sidaad ka dheehan kartaan qoraalada Warbaahinta Caalamka gudiga difaacayaasha Suxufiyiinta caalamka CPJ iyo Hay’ada caalamiga ee Amnesty international ka qortay xarigiisa.

Tifatiraha guud ee Shaaciye.com Nuur Ismaciil Sheekh oo Saxaafadda ku soo biiray sanadkii 2005 lehna qibrad qaangara kana soo shaqeeyay xarumo kala duwan oo Warbahineed kuwaa oo badankood ku yaal Magaalada Muqdisho. Waxaa uu Warbaahinta madaxa banaan ugu baaqay in ay ka fogaadan musuqa warar xaqiiqana u soo gudbiyaan Shacabkooda oo aysan laalush qaadan daruuf walbo ay ku shaqeeyan.isaga oo dhanka kale bogaadiyay warbaahinta iyo wariyeyaasha fara ku tiriska ee diiday in ay damiirkooda ku iibsadaan laaluushka Villa Soomaaliya”

Bulshadda ku xiran Mareegtan waxaan uballan qaadaya ayuu yiri Tifatiraha Shaaciye.com in aan usoo gudbin doonno xoggog muhiima oo xiiso galin doonna kadib muddo uu shaqada ugu maqnaa xaalada amni dartood taaso qasabtay in uu dalka ugu soo baxo ugu danbeyn.

Tifatiraha waxaa uu yiri noockasta oo caburin ah, xarig, handidaad , Xayiraad iyo wixii lamid ah, Xeerarka Saxaafada iyo Dastuurka Somalia wuxuu damaanad qaadaya ilaalinta Xoriyatul Qawlka Warfidiyeenada iyo Xarumaha warbaahinta.Waxaanu sii wadi doona gudbinta baahiyaha bulshada, helida warar sugan, ilaalinta dhexdhexaadnimada, adkaysiga iyo u dhabar adayga gaarista xoriyad taam ah oo lagu ilaaliyo Xoriyatul qawlka dalka.Iyada oo aanan ku raadinayn cunfi iyo caadifad balse aanu u marayno dariiqa xeerarka saxaafadu noo jideeyay.

Dowladda fedaraalka ayuu dhanka kale  ugu baaqay ilaalinta Xuriyadda hadalka iyo in Suxufiyiinta Soomaaliyeed loo oggaalado in shaqadeey shacabka u haayan lagu ixtiraamo loona madax baneeyo lagana daayo laalushka oo ah musuq. cabsi galinta xarigga iyo cadaadiska lagu haayo si aay waajibkooda shaqo u gutaan,warbaahinta waa tiir udub dhexaad u ah nidaamka dimuqraadiga ah, waana awoodda afaraad ee dheelitirka xukunka.

Talooyin ugu dir Tifatiraha WhatsApp +252618935983

HOOS KA FIIRSO BAAQA TIFATIRAHA