SAWIRRO: Wararkii Ugu Dambeeyay Dhuusamareeb Iyo Xarunta Inji Oo Burbur Soo Gaaray

Waxaa saakay oo sabti ah degan xaalada guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug, kadib markii 24-saac ee lasoo dhaafay halkaas uu dagaal ku dhexmarayay Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlusunna.

Waaberigii hore ee saakay ayaa waxaa Ciidanka dowladda u suuga-gashay inay gudaha u galaan Xarunta Inji oo ay deganaayeen hogaanka sare ee Ahlusunna, waxaana Ciidanka isku dhiibay Ciidamada taabacsanaa Ahlusunna.

Sidoo kale waxaa Ciidanka iskau dhiibay Hogaamiyeyaashii sare ee Ahlusunna ee Macalin Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir, iyagoona dalbaday in rasaasta laga joojiyo, waxaana amnigooda la wareegay Taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga.

Dhinaca waxaa burbur xoogan uu soo gaaray Xarunta Inji oo hoy u aheyd Ahlusunna, isla markaana in ka badan 24-saac uu ka socday, waxaana gudaheeda ku dhacay Madaafiic xoogan, kuwaasi oo burbur u geystay Xarunta.

Sawirro laga soo qaaday dhismeyaasha ku yaalla Xarunta Inji ayaa muujinayay in derbiyada iyo saqaafka sare ee guryaha iyo hoolalka halkaas ku yaalla uu burburay, isla markaana ay ku dhaceen Madaafiic.

1 17
1 17
2 13
2 13
3 12
3 12
4 8
4 8
5 3
5 3
6
6