FIIRSO: “Waxa aan u tanaasulnay Shacabka si aan dhibaato u gaarin, DFS ayaan ku wareejinay Amniga” Sheekh Shaakir.

Madaxii Xukuumadda Galmudug, sidoo kalena kamid ah Madaxda Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo Warbaahinta kula hadlay Magalaada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay tanaasuleen.

Sababta waxa uu ku sheegay in ay u turayaan Shacabka kunool Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, Ciidamada Ahlu sunna waxa uu tilmaamay in ay ku wareejiyeen Mascuud Maxamed Warsme taliyaha guutada 15aad Qaybta 21aad ee Ciidanka Xooggga dalka oo markiisii hore ka soo galay dhinaca ASW islamarkaan muddo ahaa Taliyaha guud ee Ciidanka ASW.

“Waxa aan u tanaasulnay Shacabka, dhibaatooyinkii ka dhacay Caasimaddaan waxa aan go’aansanay in aan soo afjarno, marka aan aragtay in dhib badan uu soo wajahan yahay, kana badan kii dhacay, horay waxaa amniga ugu dhiibtay Dowladda, waxaana markale caddeynayaa in aan ku wareejinayay Amniga Galmudug oo dhan, waana in ay mas’uuliyadda qaadaa, iyada ayaanna ku ognahay si ay usii hagaajiso” ayuu yiri Sheekh Shaakir.