XOG: Wasiir Khadiijo oo looga yeeray Xafiiska Ra’iisal wasaare Kheyre

0

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa ugu yeeray Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiri oo wax laga weydiinayo sababta ay u diiday iney nidaamka Baaritaanka Fayriska Koroona Virus oo laga hirgeliyay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in Wasaaradda Caafimaadka ay dacwad ka dhan ah Wasiir Khadiijo ay u gudbisay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha,waxayna ku wargelisay in wixii ka yimaada tallaabadii shalay ay qaaday Wasiir Khadiijo mas’uul ka ahayn Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo u xil saaran hubinta caafimaadka dadka ka soo degaya Garoonka Muqdisho.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa wax ka weydiinaya Wasiir Khadiijo sababta uga booday in laga hubiyo Fayriska Karoona oo fara ba’an ku haaya caalamka,islamarkaana ugu hogaansami weysay amarka Wasaaradda caafimaadka.

Fal-celin kala duwan ayaa ka dhalatay muuqaal lasoo geliyey baraha Internet-ka, kaas oo ay ka soo muuqaneyso wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye.

Muuqaalkan ayaa muujinaya wasiir Khadiija oo mar ay kasoo degaysay diyaarad rakaab ah diiday in laga baaro xanuunka Coronavirus oo dunida kusii baahaya, kaas oo dartiis dhaqaatiir caafimaad loo geeyey garoonka Aadan-Cadde in ay ka baaraan qof kasta oo kasoo degaya garoonka, si cudurka uusan dalka usoo gelin.

Wasiir Khadiija Diiriye ayaa markii ay kasoo degto diyaaradda waxaa qalabka lagu baaro dadka dhankeeda ula tallaabsaday nin ka mid ah dadka ku howlan baaritaanka dadka soo degaya, balse Khadiiro ayaa iska wareejisay ninka, kadibna gudubtay iyada oo aan la baarin.

Sida hada ka muuqata dhacdadaan ma jirto sabab dadka shacabka ah loogu canaado nidaam ay iska diideen mas’uuliyiintii loo doortay dalka, waana tan kalifay in dadkii kale la baari diido, markii ay baaritaanka diiday wasiir Khadiija Maxamed Diiriye oo aheyd qofkii koowaad ee kasoo degay diyaaradaas kasoo degtay garoonka Aadan-Cadde.

You might also like More from author

Leave A Reply